Tacsi: Maantana gaariyaa baxay

Geeridu waa xaq, waana arin lagu wada xukumanyahay. Waxa kaliya ee lagu kala hormarayaa waa xabaasha! waxa guud ahaan dadka afka soomaliga ku hadla ka baxay xubin qaaliya, laguna xasuusan doono dhamaan noocyada kala duwan ee uu afku leeyahya sida wacan ee uu ukala dhigi jiray.

waxan ilaahya marxuunka ug barayyna in uu ilahay ka waraabiyo janad fardawsa, dhamaan dadka soomaaliyeed gaar ahan qoyskiisii Ilaahya samir iyo iimaan ha ka siiyo…

Omar Goth oo ka mida raga soomalida ugu qoralka badan aya waxa uu maalinti shaly ka tiriyay gobay :

Abiidaba nin loo go’o
Oo lagu galaashiyo
Geesigu ma waaree
*****
Gaarriye hadduu tegay
Tixdu gibil madaw iyo
Geybmaar ma xidhatoo
Ma goblamay afkeenii
Ma gaagaxday odhaahdii
Ma gallooftay heestii
Gegyigiyo dadkeenii
Carraduu ka goohoo
Gucumaale aariyo
Siduu yahay gudgude roob
Gurxanka iyo yeedhmada
Ka gariirin jiray iyo
Ma gammiintay ciiddii
*****
Wallee gabay mug weyn iyo
Murti gaaxinteediyo
Ma la hoyday geeraar
Iyo garasho waaayeel
*****
Wallee geed adayg iyo
Durdur aan gudhayn iyo
Halyey lagu gabbada oon
Gibidhsiga aqoon iyo
Abwaan erayaduu gano
Goonyaha dalkoo idil
Laga goosan jirayoo
Goobtii la joogaba
Guubaabadiisiyo
Xikmaddiisa gaarka ah
Gaarriye siduu yidhi
Gundhigga iyo sheekada
Lagu goyni jiray iyo
Gole laga dab qaatiyo
Godol reera deeqiyo
Ma ahaa gob iyo qodax
*****
Gaarriyow gobaad iyo
Nin sidaada geeddiga
Guluf iyo colaad iyo
Guri ba’ay dul joogsaday
Oo gacal wanaagiyo
Nabad soo gardaadshoo
Ka gilgishay xumaanoo
Taariikh gu’ weyn dhigay
Geeridu ma duugtee
*****
Af Soomaaligaad galab
Iyo goor arooryaad
Sidii geenyo shaaximan
Goobayn taqaaniyo
Galladdii Ilaahay
Gaar kuugu deeqaan
Kugu sii galbiyayoo
Tix baan kugu gunaanaday
*****
Guullana firdawsiyo
Inuu goobta aakhiro
Guryo samo ku geeyaan
Duco kuugu guusoon
Gurmad kuugu soo diray

-Bashir Goth, Oct.1, 2012.

This slideshow requires JavaScript.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s